Label-1

Filimka ay waddo Shraddha Kapoor ee ‘Rock On 2′ oo la shaaciyey xilliga la sii dayn doono
Anonymous
Filimkan ayaa qeybtii hore waxa ay soo baxday sanadkii 2008 waxaana la oronayey “Rock On”, iyadoo qeybtii labaadna la sii dayn doono bisha September ee sanadka soo socda, waxaana qeybta labaad ee filimkan wadda Shraddha Kapoor.

Farhan Akhtar oo 41 sano jir ah kaasoo filimkan wax wada kuna jilaya doorka musician ama nin garaaca muusiga ayaa sheegay in filimka “Rock On 2″ duubistiisa la bilaabi doono bisha August ee sanadkan, isagoo xaqiijiyey in la sii dayn doon filimkan bisha September ee sadanka soo socda.

Waxaa sidoo kale Farhan filimkan wax kala jilaya Arjun Rampal iyo Shraddha Kapoor, waana markii ugu horreysay oo Shraddha ay filim la keeno aktarka filimka “Bhaag Milkha Bhaag” ee Farhan Akhtar.

Shraddha taasoo markii ugu horreysay codkeeda ku heestay filimka “Ek Villian”,  ayaa sidoo kale la sheegayaa inay codkeeda uga qeyb qaadan doonto filimkan.

«
Next
Farxiya Fiska (IMA QALANTID WADADA KU QULQUL) Daadis 2015 HD
»
Previous
Xilliga rasmiga ah oo uu soo baxayo filimka ay wadaan Kangana Ranaut iyo Sunny Deol oo la shaaciyey